Maxay Tahay Sobobta ay Reer Awdal Uga Soo Dareereen Shirweynihii Xisbiga Wadani ??

avatar

Hogaanka sare ee xisbiga wadani ayaa hore uga koobnaa gudoomiyaha xisbiga iyo 6-gudoomiye ku xigeen oo mid keliya uu ahaa reer Awdal, Maanta ayaa lagu soo daray 3-kuxigeen oo kale oo lagu doortay cod isku mid ah 394-cod, 4-aamustay iyo 8-iska diiday !!

Sidaasi darteed gudoomiye kuxigeenada xisbiga wadani waxa ay noqdeen 9-kuxigeen oo mid keliya uu weli yahay reer Awdal, arintaasi ayaa shirweynaha xisbiga ka dhex dhalisay khilaaf adag, taasi oo keentay in xisbigu dhegaha ka furaysto dalabka reer Awdal ee ah in xubin ka mida loogu daro hogaanka xisbiga,

Sobotaasi darteed ayaa qaar ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Wadani ku metela gobolka Awdal ay maanta uga soo dareereen shirweynaha oo soo dhamaaday iyada oo aan weli la xali khilaafkaasi.

Xubnahani reer Awdal ee ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga ayaa doonaayey in gudoomiye kuxigeenada lagu daro wasiir hore Axmed Muumin seed sida ay noo sheegeen iyaga laftarkooda oo aanu la xidhiidhnay.

Isla qaar kale oo ka mid ah xubnaha reer Awdal ee golaha dhexe ee xisbiga wadani ayaa beeniyey in uu khilaafkani jiro iyaga oo sheegay inay iska dhex fadhiyeen shirka lagu dooranaayey gudoomiye kuxigeenada cusub ee gobolada kale ka soo jeeda.

9097AA63-45B7-4DB8-98FF-93A6DEF4AC5A.jpeg

4B3F3D65-2DA4-44A1-B723-DE6DE4A59F1C.jpeg

Posted using ThiagoRe.com



0
0
0.000
0 comments