Geedkii Wardheer oo go'ay, waxa looga naxay sidii oday guurti ah oo geeryoodey! Geed
Geedkii Wardheer oo go'ay, waxa looga naxay sidii oday guurti ah oo geeryoodey!
Geedka Quracle, waxa uu ku yaallaa magaalada taariikhda weyn ee Wardheer oo ah xarunta gobalka Doollo ee DDS.
Odayaashii hore waxay sheegaan in geedkan uu jiro qiyaastii 300 sanno, waxaa meel u dhow ku yaalla ceel-biyood fac-weyn oo gacan ku qod ah kaa oo lagu magacaabo Quracle, sababta magaca Quracle loogu bixiyayna waa in ceelku ku yaallo meel u dhow Quraca maanta jabay, mudo kadibna isla geedkii ayaa isaguna qaatay magacii dartiis ceelka loogu bixiyay ee (Quracle) wuxuuna kamid yahay ceelasha taariikhiga ah ee magaalada wardheer ku yaalla sida. Jiilaya, Qarandi, Mataan, Camuud, Sonkor, Quracle iyo kuwo kale,
Quraca maanta dhacay wuxuu mar ahaa xaafiis looga taliyo dadka ku nool magaalada Wardheer iyo nawaaxigeeda, taariikhda magaalada Wardheer meel wayn ayuu kaga jiray.
Magaalada Wardheer dhanka Koonfur galbeed ayuu ka jiraa marka aad talaalada joogto, waxaa dhiniciisa ku yaalla labo qudhac.
Dadka badan kooda ayaa ku talinaya in geedkaan aan sidaas lagu ilaawin ee aas qaran loo sameeyo maadaama uu yahay mid kamid ah astaamaha ugu caansan Wardheer oo ah magaalo magac iyo taariikh weyn ku leh gayiga Somalida
W/Q Shuuke Aadan Gurey
#somee
[Geedkii Wardheer oo go'ay, waxa looga naxay sidii oday guurti ah oo geeryoodey!